Kulliyadda Beeraha Iyo Xanaanada Xoolaha Jaamacadda Bariga Africa Faraceeda Qardho ayaa bilowday tababar ku saabsan dhisidda guryaha cagaaran iyo habka waraabka biyo dhibcinta (Green House installation and Drip Irrigation system).
Tababarka ayaa soconaya muddo shan (5) maalin ah, waxaana bixinaya Dr.Mubarak Said Ibrahim oo ku takhasusay Cilmiga Beeraha.
Jaamacadda Bariga Africa Qardho waxay mar walba u taagantahay kor uqaadidda aqoonka iyo xirfadaha Bulshada.